4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Khubarada amniga Soomaaliya oo ku taliyay in dowladda Soomaaliya cashar ka barato waxa ka dhacay Afghanistan
 

Talaado , Agoosto,17, 2021 (HOL) - Qabsashada degdegga ah ee Daalibaan ay ku qabsatay dalka Afghanistan ayaa walaac ka muujisay inay dhiirri-gelin karto kooxaha kale ee mintidiinta ee ka dagaallama caalamka, sida Al-shabaabka ee Soomaaliya.

Khubaradu waxay ka digayaan in haddii ciidamada caalamiga ah ee halkaas jooga ay isku dayaan inay amniga ku wareejiyaan dawladda Soomaaliya, in dunidu arki karto soo noqnoqoshada wixii ka dhacay Afghanistan.

Cabdulsalaam Guled, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la kulmi karto wixii ku dhacay Afghanistan haddii aysan soo afjarin ku tiirsanaanta ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa u dabaal degtay dhicitaankii dawladda Afghanistan, sida ay qoreen warbaahinta wararkooda faafiya.

Cabdulsalaam Guled waxa uu sheegay in inkastoo Al-shabaab aysan lahayn awoodda milatari ee Daalibaan, haddana waxaan shaki ku jirin in aysan waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

Bishii Abriil, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegay qeyb kamid ah hoggaaminta hawlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dawladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qorshuhu waa istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas'uuliyadaha amniga hay'adaha amniga Soomaaliya ka hor inta aysan ciidamada AMISOM dalka ka bixin.

Bishii la soo dhaafay, milateriga ayaa sheegay in ka badan 250 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallada milateriga Soomaaliya oo aysan caawinin AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online