4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Ra'iisul wasaare Rooble ma wuxuu baal cusub u furayaa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya

Talaado, Agoosto,17, 2021 (HOL)-  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isniintii shalay  booqasho saddex cisho ah ku gaaray  dalka Masar, maalmo ka dib markii uu ka soo laabtay socdaalkii hadal heynta dhaliyay ee uu ku tagay dalka Kenya.

Rooble, oo Qaahira lagu soo dhaweeyay wuxuu kulan labo geesood ah la yeeshay dhiggiisa Masar, Mustafa Madbuuli iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada dalkaa ,iyagoo ka wada-hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ay ku leeyihiin dalkaasi waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Ra’iisul wasaaraha wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa madaxda iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa Masar.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Dalka Masar waa mid ka mid ah waddamada Carbeed ee taariikhda dheer ay wadaagaan Soomaaliya, waxaana socdaalka Ra’iisul wasaaraha uu hadda ku joogo lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Balse socdaalka ayaa yimid xilli Soomaaliya ay ku jirto waqtiga xasaasi ah oo si billow ah ay ku socoto doorashada guud oo dhowr mar dib u dhacday, waxaana sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ku warramey in Ra’iisul wasaaraha uu doonayo sidii lagu xaqiijin lahaa loona horumarin lahaa xiriirka caalamiga ah iyo diblumaasiyada Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo gudaha dalka ka wada dadaallo uu doonayo dalka inay doorashada ka qabsoonto ayaa haddana wuxuu ku barbar wadaa in Soomaaliya ay hagaajiso xiriirka waddamada gobolka, kuwa jaamacadda Carabta iyo guud ahaan caalamka.” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo la hadlay HOL.

Wuxuu intaa ku daray surta-galnimada uu Ra’iisul wasaaraha ku booqan karo waddamo kale oo kuwa khaliijka ay ka mid yihiin, sarkaalkan oo magaciisa u qariyay maaddama aanan loo wakiillan ka hadalka arrimahaan,taa oo jirta toddobaadkii hore isagoo ku sugan Ra’iisul wasaaraha Nairobi wuxuu xaqiijiyay in xukuumadiisa si sal-adag u hagaajin doonto xiriirka waddamada caalamka,kuwaa oo ay ugu horreeyaan waddamada iskaashiga soo jireenka ah la leh dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo marar badan muujiyay siyaasadiisa uu ku sheegay ‘isku soo dhawaansho iyo wada-hadal’ ayaa sidoo kale wajaheysa caqabado maxalli ah oo arrinta doorashada ay ugu horreyso iyo is xulufeysiga waddamada saameynta ku leh Soomaaliya oo kuwa gobolka ,Carabta iyo reer galbeedka ay ka mid yihiin,wallow dadka u dhuun-duleela siyaasadda dibadda ee Soomaaliya ay mar horaba sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha uu isku dayayo diblumaasiyadda inuu u furo baal cusub si caqabadaha taagan looga gudbo.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]