4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dad Xalay lagu dilay deegaanka Bacda ee gobolka Hiiraan

Talaado , Agoosto,17, 2021 (HOL)- Wararka ka imaanaya deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi habeenkii xalay ahaa maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen laba ruux oo midi haweeney tahay.

Labada marxuum ee Xalay lagu dilay deegaanka Bacda ayaa lagu magacaabi jiray Galad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiireey, kuwaas oo la sheegay iney caan ka ahayeen deegaanka Bacda ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa la sheegay in dilka kadib ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta, waxaana la sheegay in dilka labadan ruux uu la xiriiro aanooyin Qabiil oo muddooyinkii dambe ay isku dilayeen laba beelood oo kasoo kala jeeda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Labada qof ee  weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Galad Xasan Siyaad iyo raxma Xiireey , kuwaas oo caan ka ahaa degaan Bacda, waxaana la sheegay in dilkooda uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo kajira Gobolka Hiiran.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Matabaan oo la xiriira dilka Xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo horay sidoo kale loogu dilay dad kala duwan oo u badnaa Darawalo gaadiid.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]