4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Midowga musharraxiiinta oo dalbaday in laga qeyb galiyo shirka Muqdisho ku dhexmaraya raysal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa ugu baaqay raysal wasaare Rooble inuu ka qeyb galiyo kulanka 19ka bishaan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay ku kulmayaan raysal wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Baaqaan ayaa qeyb ka ah qodobadii kasoo baxay shirkii saddexdii maalin ee ugu dambeysay musharraxiinta uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in doorashada aqalka hoose laga ilaaliyo faro galinta dowladda.

Golaha musharraxiinta waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin sida ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka sare, waxayna carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in habraaca doorashada aqalka hoose ay noqdaan kuwa daahfuran.

Waxayna soo jeediyeen in odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online