4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Taalibaan oo la wareegtay Madaxtooyada dalka Afgaanistaan
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Xoogaga Taalibaan ayaa sheegtay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Madaxtooyada dalka Afganistaan ee ku taala magaalada Caasimada ah ee dalkaasi Kabul.

Taalibaan ayaa gudaha u gashay xarunta Madaxtooyada dalkaasi saacado kadib markii uu halkaasi isaga baxsaday madaxweynahii wadankaas Ashraf Ghani.

Hogaamiyaha Taalibaan iyo ilaaladiisa ayaa kasoo dhex muuqday xarunta Madaxtooyada dalkaasi oo ah halka looga arimin jiray dalka Afgaanistaan.

Taalibaan ayaa muddo kooban oo laba isbuuc gudaheeda ah ku qabsatay guud ahaan dalka Afgaanistaan mudo 20 sano oo ay ka dhex dagaalamayeen gudaha dalkaasi Afgaanistaan.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay qabsashada Taalibaan ay dib kula wareegeen talada dalka Afgaanistaan, waxaana la arkayay shalay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Mareykanka oo Diblumaasiyiinta ka joogay dalkaasi la baxayay iyaga oo si toos ah u dagaayay aqalka Madaxtooyada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]