4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Turkiga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gaadiid gaashaaman oo ciidamada xoogga loogu talo galay


Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid gaashaaman oo loogu talo galay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, kuwaas oo ka caawinaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabab.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay gaadiidkan in uu qeyb ka yahay taageerada milatari uu Turkigu mar walba la garab istaagan yahay dowladda Soomaaliya, lagasoo bilaabo sannadkii 2015.

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka , Gen, Odawaa Yuusuf Raage, iyo wasiir u dowlaha gaashaandhiga, Maxamed Cali Xaga, ayaa Turkiga uga mahad celiyay gaadiidkaan, iyagoo sheegay inuu kaalin xooggan ka qaadan doono dagaalka Alshabaab.

Turkiga ayaa safka hore kaga jira waddamada Soomaaliya ka taageera xagga qalabka milatariga iyo dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliyeed tan iyo burburkii kadib.

Dhawaan, Turkiga ayaa qaadi doono dufcaddii tobnaad oo ciidamo Soomaaliyeed oo tababar dalkaas kusoo qaadan doona.  

       
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online