4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo Muqdisho uga furmay shir ay kaga tashanayaan walaac ay ka qabaan doorashada
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho, waxayna kaga hadlidoonaan arrimaha doorashooyinka ee haatan socda.

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay qabsoomida shirkaan inuu ka dambeeyo, kaddib markii musharraxiinta madaxweynaha ay walaac ka muujiyeen doorashooyinka.

“Midowgu saddexda maalin uu shirsan yahay wuxuu la kulmi doonaa raysal wasaaraha xukuumada kumeel gaarka ah, wuxuu la kulmidoonaa dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka. Marka ugu dambeysana wuxuu soo jeedindoonaa mowqifkiisa siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxman Cabdishakuur wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku qabsoomta.

Si kastaba ha ahaatee, golaha musharraxiinta ayaa si weyn uga walaacsan hannanka loo marayo xulista ergada doorashada aqalka hoose, hannaankaas oo awood badan siinaya madaxda dowlad goboleedyada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online