4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo TPLF oo maanta ka dhacay guud ahaan degaanka Soomaalida


Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Waxa maanta oo Sabti ah guud ahaan degaanka Soomaalida ka dhacay banaanbaxyo waawayn oo lagaga soo horjeedo kooxda TPLF, Isla markaana lagu taageerayo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya.

Meelaha sida wayn looga banaanbaxay ayaa waxaa kamid ah magaalada Jigjiga oo saaka subaxdii hore shacabka magaaladu isugu soo baxeen waddooyinka magaalada iyagoo markii dambe isugu tagay garoonka kubadda cagta ee Jigjiga, halkaas oo madaxda degaanka u saraysa ay hadallo ku saabsan Banaanbaxan shacabkii halkaa ugasoo jeediyay.

Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo masuuliyiin kale ayaa goobtaas dadkii isugu soo baxay kala hadlay, Madaxwaynaha oo ka sheekeynayay dhibaatooyinkii ay TPLF shacabka degaanka Soomaalida ugaysatay ayaa ugu dambayn xusay in maanta kaddib aysan dawladdu u dulqaadan doonin waxa uu ku tilmaamay awrkiraalayaasha TPLF, wuxuuna Madaxwayne Mustafe cagjar hadalkiisa kusoo koobay in si cad loola dagaalami doono Argagaxisada TPLF waa siduu hadalka u dhigayee.

Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa degaano badan kolba degaan lagaga banaanbaxaa kooxda TPLF, iyagoo shacabku ay dareenkooda ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan kooxda TPLF, kuna taageerayaan hawlgallada ay wadaan Ciidamada Difaaca Qaranku ee ka dhanka ah TPLF.

Magaalada Jigjiga ayaa markasta oo banaanbaxyo ka jiraan waxaa la xiraa waddooyinka waawayn ee magaalada, si shacabka banaanbaxaya iyo gaadiidku aysan iskaga hor imaanin, iyadoo marka banaanbuxu soo dhammaado dib loo furo waddooyinka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]