4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Puntland : In ka badan toban qof oo cudurka Covid19 ugu geeriyooday
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Cudurka Covid19 ayaa si aad ah ugusoo labo kacleeyay deegaannada Puntland, iyadoo 24saac ee lasoo dhaafay ay magaalada Garowe oo kaliya ugu geeriyoodeen labo qof oo dhalinyarro ah halka kuwa kale ay ku jiraan qeybta xaaladdaha degdega ah.

Duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in ay gabaabsi yihiin haamaha ogsijiinta ee caawiya dadka naqasku ku dhego ee uu soo rito cudurka Covid19.

Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sidaas oo kale maalmihii lasoo dhaafay dad badan ugu geeriyoodeen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in tobankii berri ee la soo dhaafay xanuunka dad badan laga helay ayna  u geeriyoodeen ilaa 10 qof.

Waxaa shaybaarka lagu baaro covid19 lagu xaqiijiyay in nooca cusub oo ka halis badan kii hore uu yahay nooca hadda Puntland ka jira loona yaqaano Delta, waana nooc cusub oo India  horay looga helay.

Wasaaradda caafimaadku waxay dadweynaha u soo jeedisay in dib loo soo celiyo taxadarkii gaar ahaan afxirashada, kala fogaanshaha, sidoo kalena dadweynaha ay tallaalka qaataan si loo xakameeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online