4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Buuga Astaan-halgan oo lagu soo bandhigay Hargaysa


Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buuga Astaan-halgan oo laga qoray noloshii iyo halgankii halgamaa Maxammed Xaashi Diiriye Lixle, oo ahaa udubihii dhaq dhaqaaqii  dib u xoraynta Soomaaliyeed ee SNM.

"Lixle wuxu ahaa saraakiishii caanka ahayd ee dowladii Soomaaliya, xaga aqoonta Injineer buu ahaa, Lixle layskama siin astaan halgan, ninka darajada leh ee ciidamadii lagu hayn kari waayay ee laga wada baqanayay dalka gudihiisa ayuu halganka kawaday" sida waxa yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed.

Halgamaa Axmed Mirre oo ay Lixle kawada tirsanayeen ururkii SNM, ayaa Lixle ku sifeeyay hogaamiye aan gabasho lahayn oo lagaga soo doogay maalmiihi qadhaadhaa isla markaana astaan hogaamineed u ahaa dhaq dhaqaaqi dib u xoraynta Soomaaliyeed ee SNM.

"Waxan ogaa oo aan qirayaa in uu ahaa nin aad iyo aad u qiimo badan, markii aan waddanka la joogin, ee dadku is urursanayay ee la doonayay astaan wax hogaamisa, rag badani markay dhabarka gaabiyeen ninkii u badheedhay ayuu ahaa" ayuu yidhi Axmed Mirre.

Waxa xaflada bandhiga ka hadlay dadwayne kala duwan oo iskugu jiray madax, saraakiishii SNM, ehelada Lixle, abwaano, qoraayo, wasiiro, madaxda xisbiyada mucaaradka iyo dad kale oo magac kuleh bulshada Somaliland dhex deeda kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in Lixle u ahaa astaan-halgan oo taariikhi ah.

Sida qoraa Boobe Yuusuf Ducaale sheegay Lixle intii uuna talaabin ee uu dalka gudihiisa ku sugnaa wuxu hogaamiyay howgalka caanka ah ee lagu magacaabo "Badbaado" oo isaga iyo dagaalyahano uu watay ku jabiyeen Jeelka Madheera bishi April 1983, kadibna bishi Juun ee isla sanadkaa ayuu talaabay halgankana si rasmi ah ugu biiray.

Maxammed Xaashi diiriye Lixle oo ahaa mid kamid ah dadka ugu magaca dheer ee la xasuusto marka lasoo qaado halgankii SNM, wuxu si rasmi ah ururka uga tirsana intii u dhaxaysay bishii July 1983 ilaa 17, October 1984 oo lagu dilay dagaalka caan ka ah ee loo yaqaan Burco-duurey.

Abdi Rahman, Hiiraan Online