4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Guddi loo saaray xaalada Dugsiga Boodhinka Laascaanood iyo waxbarashadii oo bilaabantay
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Kadib markii gudoonka waxbarashada gobolka Sool iyo maamulka gobolku ay saaka tageen Dugsiga Boodhinka oo maalintii shalay rabshado ka dheceen ay ku guulaysteen in xaaladu caadi ku soo noqoto.

Gudoomiyaha Gudoonka Waxbarashada Gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhacdadii shalay dhacday ay ahayd mid aad u foolxun, waxaanu xusay in ay gudi u saareen hawshaa soo baadha cidii kiiskeedu ku cadaadona lagu ciqaabi doono.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa si aad ah wax laga xumaado ku tilmaamay waxa Iskoolla ka dhacay isagoo xusay illaa 1961dii in aanay tan oo kale ka dicin.

"Iskool waxbarashadii cuntadii oo nooc kasta ah, hurdadii oo bilaash ah laga helo ma jirto xiligan ee ardayda nimcadiina qarsada ayaan leeyahay" ayuu yidhi gudoomiye Jiidhe isagoo intaas ku daray tacsi uu u diray ehelkii ay ka dhimatay gabadh 12 jir ah oo qoyskoodu deris la yahay iskoolka oo ku yaal badhtamaha magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale waxa la sheegay in uu xidhan yahay nin lagu eedeeyey inuu yahay kii xabada gabadha yar haleeshay ridey.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood