4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Haweenay Soomaaliyeed oo looga reebay doorashada Australia sababo la xariira lacago ay ka heshay wasiir katirsan xukuumada Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Sahra Axmed Mustaf oo haweenay Soomaaliyeed ayaa laga reebay tartanka doorashada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafadda ay ku badan yihiin Soomalida ee dalka Australia.

Sahra Axmed Mustaf oo katirsanayd xisbiga talada haya ee dalkaas, ayaa waxay tartanka doorashada ku weyday dhaqaale kooban oo ay sheegtay in ay ka heshay wasiirka katirsan Soomaaliya oo adeerkeed ah.

Sahro oo sidoo kale lumisay xubintii xisbiga talada haya, ayaa wareysi ay siisay VOA Somali, waxay ku sheegtay in dhaqaalaha ay ka heshay wasiirka uu yahay dhaqaale loogu talo galay carruurteeda.

Waxay sheegtay go’aanka looga reebay doorashada inuu yahay mid sharci darro ah, waxayna ku doodey in aanay wax xiriir ah ka dhaxayn doorashadeeda iyo lacagaha Soomaaliya loogasoo diray.

Warbixin uu daabacay wargeyska the Age, ayaa lagu sheegay in taageerada maaliyadeed ee Sahra ay gadaal ka riixeyso dano dowladda Soomaaliya ka leedahay baarlamaanka Australia.

Wargeyska The Age ayaa sheegay sababta keentay in doorashada laga joojiyo Sahro Axmed Mustafe, lagana saaro xisbigeeda ay tahay, iyadoo xisbiga talada haya ee Liberal uu welwel ka qabo weerar siyaasadeed oo uu kala kulmi karo xisbiga shaqaalaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online