4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Raysal Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhex galay
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay  isaga iyo madaxweyne Farmaajo, oo ku kala aragti duwanaaday wada xaajoodka xukuumada.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay,  in iyagoo isku duuban oo wada socda ay dalka gaarsiiyaan doorasho nabad ah oo xasilooni ku jirto.

“Waxaa la yiraahdaa doqoni meesha lagu dagaallay ogaydee, meesha lagu heshiiyay ma oga. Heshiis ayaanu nahay. Dalkaan haddaan heshiis la ahayn ma soconayo. Qar ayuu kasii dhacayaa,”ayuu yiri, raysal wasaaraha oo Nayroobi kula hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed.  

Raysal wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in aanay wax carqalad ka dhalan warqadihii iskasoo horjeeday ee ay soo kala saareen madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna tilmaamay in ay waajib tahay in la wada shaqeeyo oo marxalad looga gudbo isku duubni.

Raysal wasaaruhu mar uu ka hadlayay safarkiisa Kenya, wuxuu sheegay in aanay ujeedadu ahayn inuu saxiixo heshiis, balse uu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka labada dal ee xumaaday.

“Maanta igama filanaysaa in aan ka hadlo heshiis bad oo yaalla maxkamada Hague, oo aan go’aankeeda sugayno. Madaxweyne Uhuru waa walaalkey, waana saaxiibkey. Isagoo i horfadhiya ayaan u sheegay oo ku iri, meeshaas (ICJ) ayaa jawaabteeda ka sugaynaa,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay raysal wasaaruhu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online