4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 10, 2021
Barlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay guddiga doorashada aqalka sare iyo xilliga laqabanayo doorashada
 

Talaado, Agoosto, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddiga qabshada doorashada aqalka Sare ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee Puntland.

Guddiga la magaacaabay oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay ka yimaadeen xildhibaanada Puntland, waxayna qaban qaabinayaan doorashada aqalka sare.

Guddoomiyaha  barlamaanka ayaa ku wargaliyay guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee la qaban doono taariikkhda maray tahay 11/08/2021.

"Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo. Waxaan rajaynaynaa in loo diyaar garoobo, cid kastaana qaadato doorka kaga aaddan." ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Puntland.

Magacaabidda guddigan ayaa kusoo beegmay xilli uu madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu soo saaray liiska musharraxiinta aqalka sare.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online