4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Taliye Xijaar: Ma jirto cid aanu siinay ama u diidnay warqadda dambi la'aanta ee CID
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyay in hay’adda dambi baarista Soomaaliya ee CID, ay warqadda dambi la’aanta u diiday  siyaasiyiin u sharraxan kuraasta barlamaanka.

Taliyaha ciiddanka booliiska ayaa sheegay in warar been abuur lagu faafiyay baraha bulshada, wuxuuna caddeeyay in aanay jirin cid illaa iyo hadda ka cabanaysa in loo diiday warqadda CID.

“Cid aanu siinay markii la arko, ayaa la arkaa cid cabanaysa. Bal horta halasoo helo cid aanu warqadda siinay. Marka waxaan idiin xaqiijinayaa in aanu jirin cid la siiyay ama loo diiday toona,” ayuu yiri taliye Xijaar.”

Taliye Xijaar waxa uu sheegay guddiga amniga doorashada in aanu weli bilaabin hannaanka iyo baaritaanka la marsiinayo musharraxiinta barlamaanka iyo ergada dooranaysa, si loo ogaado in ay dalka dambiyo ka galeen.

“Waan soo jeedinayaa in cid kaste oo musharrax ah iyo qofka kaste oo kamid ah ergooyinka wax dooranaysa in la baaro, laakiin qaabka loo marayo waa inuu ahaado hab isku mid ah oo raysal wasaaraha la horgeeyo,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Xarunta dambi baarista ee CID ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusii qulqulayay siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada aqalka hoose ee dhawaan dalka kusoo wajahan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online