4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Diiwaan gelinta Musharaxiinta Xubno ka tirsan Aqalka Sare oo goordhaw ka bilaabaneysa Magaalada Baydhabo
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si rasmi ah uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartamaya Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Shalay soo gudbiyay xubnaha ku tartamaya Shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare, iyadoo isla shalayna ay guddiga doorashada Koofur Galbeed ay soo saareen jadwalka doorashada 10 xubnood oo uu soo gudbiyay madaxweynaha Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ayaa maanta diiwaan gelinaya Musharaxiinta Aqalka sare, islamarkaana ka qaadaya lacagaha diiwaan gelinta.

Shalay ayay aheyd markii guddiga ay shaaciyeen in maalinta kama dambeysta ay tahay maalinta Isniinta ah oo taariiqdu ku beegan tahay 02-08-2021 in magaalada Baydhabo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Magacyada xubnaha ku tartamaya doorashada Aqalka Sare ee manta la filayo in la diiwaangeliyo kuna tartamaya Shan kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Aadan Cabdinasir Maxamed

Maxamed Xasan Aadan

2: Dr. Xuseen Maxamed Daahir

Xasan Maxamed Nuur

3: Zamzam Ibrahim Cali

Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim

4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey )

Nuur Baabul Cadow

5: Ayaan Aadan Cabdulaahi

Farxiyo Nuur Aadan

Maamul goboleed Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Jubbaland oo lagu doortay 4 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]