4/15/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Qarramada Midoobey oo soo dhaweysay wada-hadallada hoggaamiyayaasha Soomaalida


 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay wadahadallada hor dhaca ah ee u bilaawday madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ku  wada sugan magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu yiri ''Qaramada Midoobay waxaa ay dhiira-gelineysaa  joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wada-tashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku booriyay hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay horay u sii wada hadallada u dhaxeeya si ugu danbeyntii isfahm buuxa looga gaaro  hannaan doorasho oo leysku waafaqsan yahay.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa culeys weyn ku saaraya dhinacyada Soomaalida in ay soo gabagabeeyaan khilaafka u dhaxeeya si dalku u wajaho doorasho wadar ogol ku dhacda.

Kulanka Teendhada Afisiyooni ayaan maanta baaqday iyadoo la sheegay in uu jiro wada tashiyo hoose oo dhinacyadu ku maqan yihiin si shirka loo sii anbaqaado.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  














Click here
4/5/2021 5:42 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.

4/5/2021 12:34 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee ku yaala tuulada Bariire ee gobolka Shabeeladda hoose.

4/5/2021 12:31 PM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada millateriga Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyay 4 sarkaal oo sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya.

4/5/2021 11:13 AM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaalada ee dalka Zambia Gavin Lubin iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

4/5/2021 8:59 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaaray wax ka qabashada qiimo beelka ku dhacay lacagta Shilin Soomaaliga ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in aan la isku diri karin wax ka yar hal dollar lacagaha dabeysan ee mobaylada.

4/5/2021 4:48 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay colaadin joogto ay ku haysay tan iyo sanadkii 2018, goortaas oo uu bilaabay inuu dhaliilo siyaasada dowladda.

4/5/2021 4:36 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) -Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

4/5/2021 1:22 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi 21 sano jir ahaa ayaa lagu waramayaa in rasaas lagu furay isaga iyo Nin kale oo ay wada socdeen oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett magaalada Toronto ee dalka canada , iyagoo watay gaari, galabnmadii Sabtida,