4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Koonfur Galbeed oo ku biirtay dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ee diiday muddo korarsiga

 

Talaado, April 27, 2021 (HOL) - Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay qaateen maamulada kale ee Galmudug iyo Hirshabeelle ee ka soo horjeestay muddo korarsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale oo dhaweysay go'aanka uu qaatay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo ku baaqay in doorasho la aado lagula laabtay wadahadalladii socday.

Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday

In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.

In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.

In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Lama oga go'aanka ay qaadan doonto madaxtooyada Soomaaliya mar haddii go'aan isku mid ah oo ka dhan muddo korarsiga qaateen saddexda maamul gobolleed ee siyaasad ahaan aadka ugu dhawaan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horay waxaa go'aanka muddo korarsiga u diidanaa maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, taasoo ka dhigan in hadda shanta dowlad gobolleed qaateen mowqif isku mid ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]