4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Badhasaabka gobolka Maroodijeex oo ka jawaabay eedaha mucaaradka
 

Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, oo ka jawaabayay eedaha mucaaradka ee salka ku haya musharixiinta xidhan, ayaa sheegay in ciidamada amaanku anay qofna sifo sharci daro ah ku xidhin.

Badhasaabka oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha MMTV, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradku ay ciidamada ku eedeeyaan qafaalasho.

“Waxan arkayay xisbiyada mucaaradka oo leh dad baa la afduubtay, dad baa la qafashay, anuu waxan leeyahay taasi ceebay ku tahay xisbiyada mucaaradka” ayuu yidhi badhasaabku.

“Dadka sida u hadlayaa waxan filayaa in ay yihiin dad ka rajo dhigay in ay gaadhaan hankii loo sameeyay xisbiyada”.

“Ciidamadeena qaranku waxba ma qafashan qofna sharci daro kuma xidhaan, waxay wax ku xidhaan qof danbi galay oo xeer ilaalinta iyo maxkamaduhu soo gudbiyeen” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Badhasaabka ayaa xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay ciidamada aflagaadada ka daayaan waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, isagoona sheegay in musharixiin xisbiga Kulmiye ka sharaxan la xidhay cidna anay ka hadal.

Waxanu sheegay in qofkasta oo danbi gala ay ciidamada boolisku xidhayaan.

Jawaabta badhasaabka ayaa imanaysa xili ay maalintii Axadii saraakiil katirsan xisbiyada mucaaradku ay dowlada ku eedeeyeen in ay xidhay musharixiin mucaarad ah isla markaana loo diiday in ay soo booqdaan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]