4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Xaalada Muqdisho oo deggan iyo fojignaan wali jirta

 

Isniin, April. 26, 2021 (HOL) - Waxaa saakay deggan goobihii shalay ilaa xalay dagaalladu ka dhaceen ee magaalada Muqdisho wali ay jirto fogniin dheeraad ah oo ay muujinayaan dadka shacabka ee ku dhaqan caasimada, madaama wali meelaha qaar ay isku hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.

Degmooyinka Cabdicasiis iyo Hodan oo ay dagaallada ugu culus ka dhaceen ayaa saakay deggan, sidoo kale Wadada Maka Almukarama gaar ahaan Isogyska KM4 ayaa lagu arkayaa dadka oo si teel teel ah u socda iyaga oo xaalada qiimeynaya.

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada Muqdiho ka dhacay wada hadallo looga gon lahaa joojinta colaada magaalada Muqdisho.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii uu Barlamaanka Soomaaliya u dhawaaqay muddo kordhin labo sano ah oo loo sameeyay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay dhinacyada mucaaradku ka digayeen cawaaqib aan wanaagsaneyn oo arintaan ka dhalan kara.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa iyaduna diiday muddo kordhintaa uguna baaqday dhinacyada Soomaalida in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka;

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]