4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2021
Wasiir Beyle'' Dhaqaalihii aan aduunweynaha ka heli jirnay waa nalaga goostay

 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay sheegtay in laga jartay dhaqaalihii aduunweynaha siin jiray, taasoo keentay in hadda dhaqaaluhu gabaabsi yahay.

Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in bilihii ugu danbeeyayba ay mishaarkaad ku bixinayeen dhaqaale aan badneyn oo ka soo gaaray dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar, laakiin laga goostay dhamaanba dhaqaalihiii aduunweynaha kale ay ku kabi jireen dowladda.

''Bishii Agosto, ayaa nagala jartay kabkii uu aduunweyhuhu na siin jiray, waxaan mishaar ku bixineynay bilihii ugu danbeeyayba dhaqaale naga soo gaaray dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar, iyagiina hadda waa gabaabsi oo waxaan taagannahay sagxada'' ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay dhaqaale ku taageeraan dowladda, islamarkaana la sameeyo isku tashi.

Waa markii ugu horreysay oo ay xukuumaddu ku dhawaaqdo laga jartay dhaqaalihii iyo kabkii aduunweynaha sii jiray.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]