4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka  degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax miino lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego oo lagu magacaabi jiray Xassan Gucdur

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo xalay saqdii dhexe lagula eegtay gudaha degmada Wanlaweyn oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa.

Ciidamada dowladda Siomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose oo isla xalay gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaanno arintan la xiriira laakiin lama sheegin cid loo qabtay dilka guddoomiyaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]