4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Maamulka Galmudug oo ciidankii ugu badnaa geeyay Koofurta gobolka Mudug
 

Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maamulka Galmudug uu geeyay ciidamo fara badan oo ka tirsan Daraawiishta maamulka Galmudug.

Ciidamadaan oo la sheegay iney iney aad u hubeysan yihiin aayna wataan gaadiidka dagaalka ayaa la geeyay deegaanka Wisil oo hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo sarakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee xooga dalka, waxaana la sheegay in qorshaha uu yahay howlaglo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka bilaaban doona deegaano ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan meelah aay shabaab ka taliyaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda lagu wado iney gaaraan deegaanka Wisil Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]