4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Maxkamada ciidamada oo bilaawday dhageysaneysa kiiska dacwada dilkii guddoomiyihii degmada Hodan

 

Sabti, April, 24, 2021 (HOL) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah bilaawday dhageysiga dacwad lagu soo oogay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay cuddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Ilaa toddobo ruux ayaa la horkeenay maxkamada oo loo heysto dacwadda kuwaa oo kala ah taliyaashii Booliska Waabari iyo Howlwadaag ee Shuceyb Cabdi & C/qaadir Mooshin iyo Askar, waxaana sidoo kale Maxkamadda la horkeenay markhaatiyal goobjoog ka ahaa sida uu u dhacay dilka.

Cabdullaahi Buule Kameey oo ah Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta lahaa dilkii Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo ka mid ahaa marqaatiyaasha kiiskii dilka  AUN Dhagajuun ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ka hor qiray waxa uu ogyahay dilkaas oo ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga maxkamadda maanta soo xiray ayaa sheegay in dib la isugu soo laaban doono Maxkamadda.

21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun waxaa lagu dilay Isgoyska loo yaqaan jid Mareexaan kadib markii gaariga uu saarnaa ay rasaaseeyn ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]