4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Madaxweynihii muddada dheer xukumayay dalka Chad oo la dilay
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Chad Idriss Deby ayaa u dhintey dhaawac ka soo gaarey jiida hore ee dagaalka isagoo la dagaallamaya fallaagada waqooyiga dalkaas ka dagaalama.

Deby, oo 68 jir ah, ayaa ku jiray difaacii ugu dambeeyay ee aaga dagaalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa.

General Mahamat Kaka, oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyaha dhintay ee Chad, ayaa si kumeel gaadhka ah loogu magacaabay xilka Aabbihii uu ka dhintay.

Warkan ayaa yimid maalin kadib markii Deby, oo xukunka ku qabsaday kacdoon 1990, isagoo ku guuleystey markii lixaad, sida ku cad natiijooyinka kumeelgaarka ah ee la sii daayey Isniintii.

Wuxuu helay boqolkiiba 79.3 codadkii la dhiibtay doorashadii madaxweynaha ee dhacday Abriil 11.

Deby ayaa dib u dhigay khudbadiisii guusha ee uu u jeedin lahaa taageerayaashiisa taa badalkeedana wuxuu u aaday inuu booqdo askarta reer Chad ee la dagaalamaya fallaagada, sida uu sheegay maareeyaha ololahiisa doorashada.

Jabhadda Front for Change and Concord in Chad (FACT), oo fadhigeedu yahay guud ahaan waqooyiga xadka ay la wadaagto Liibiya, ayaa weerartay bar xuduudeed maalintii doorashada ka dibna waxay gaareen boqolaal kiilomitir oo koonfur ah.

Afhayeenka militariga Chad Agouna, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada militariga ay dileen in ka badan 300 oo dagaalyahano ayna ku qabteen 150 maxaabiis ah gobolka Kanem, oo qiyaastii 300 kiiloomitir  caasimada Ndjamena.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online