4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Wasiir Duraan oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya


Axad, April 18, 2021 (HOL)- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kormeer ku tagey garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cabdulle Cismaan iyo qeybta duulista Hawada Soomaaliya, ka dib markii uu shalay si rasmi ah xilka ula wareegay.

Kormeerka oo ujeeddadiisu ahayd  mid uu ugu kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, waxaa ku weheliyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Xirsi Aadan Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Duraan oo kulamo xog-wareysi ah la yeeshay howlwadeennada garoonka, mas’uuliyiinta shirkadda Favori iyo saraakiisha hay’adda Duulista ayaa tagey qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka.

“Howlaha ka socda garoonka waa arrin dhiirrigalin mudan , waxaanna kormeerkeyga halkan uga billaabay muhiimada uu Dalka u leeyahay garoonka iyo qeybta Duulista .” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaalladeena waxay noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Duraan Faarax ayaa kula
dar-daarmay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in Dawladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]