4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Faarax oo maanta xilka la wareegay


Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wassaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuliyada adag  ee u adeeggidda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Duuraan Axmed Faarax  oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka, isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa  muujiso.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]