4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Xisbiga muxaafid ka ah ee Kulmiye oo ka hadlay mawqif kiisa ku adan xeerka furista ururada siyaasada
 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in ay jiran waxyaabo ay ku diidanyihiin xeerka furista ururada siyaasada.

Guddoomiyihu muu carabaabin waxay ay ku diidanyihiin xeer ka furista ururada siyaasada ee xeer 14/2021 oo dhawaan golaha wakiiladu wax kabadalka ku sameeyay.

Waxanu sheegay in hadi xeerku sida ku dhaqan-galo, oo golaha guurtida iyo madaxweynaha midna hadal ka keenin ay sida ku aqbalayaan.

“Golaha sharci dajina Jamhuuriyada Somaliland waa hay`ad madaxbanaan, oo waa hay`adii shuruucda dajinaysay, xeerka ay soo dajiyeena waa go’aan ay lahayen” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenku.

“waxyaabo badan oo aanu ku diidanahay way jiraan, lakin ma odhanayno sharci uma laha”

“wixi ku jira ee qaldan ama xisbiyada kale dhibsanayaan, dariiq baa lagu saxayaa, oo markuu guurtida maro ee madaxweynuhu saxeexo ayay dhamaystirmaysa”.

“waana lagu celin karaa baarlamaanka sidiisana waa lagu ansixin karaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku xigeenku.

Xeerkan ay golaha wakiiladu wax kabadalka ku sameeyeen ayaa hadii uu sida ku dhaqan-galo kala madaxbananayn doona doorashooyinka deegaanka iyo ururada siyaasada oo awal isku salaysnaa.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected]