4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya oo furmay iyo xildhibaano horgeeyay mooshin
 

Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdiraxmaan Mursal ayaa furay fadhi uu barlamaanka kaga dooddayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooynka oo ay soo diyaariyeen xildhibaano.

Kaladhiga barlamaanka ayaa saacaddo dib u dhacay , kadib markii taliyihii ciiddanka bilayska gobolka Banaadir Saadaq Joon uu joojiyay kulanka, inkastoo uu xilkiisii ku waayay talabadaas.

Xildhibaanada mooshinka soo diyaariyay ayaa codsaday in barlamaanku go’aan ka gaaro doorashooyinka cakiran ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku heshiin waayeen.

Xildhibaanada Mooshinka ayaa ku taliyay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka la siiyo waqti ku filan oo ay dalka ku gaarsiiyaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkaan  ayaa ku tilmaamay mid aan socondoonin mooshinkaan, iyagoo sheegay in go'aanka doorashada uu horyaalo madaxda ku shirsan Afisyoone.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online