4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Puntland oo sheegtay in ay ka go'an tahay raadinta xal doorasho loo dhan yahay
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay weli joogto miiska wada xaajoodka doorashooyinka xilli uu istaagay shirkii ka socday xerada Afisyooni kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Puntland iyo Jubbaland in aysan diyaar u  ahayn in doorasho dhacdo.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo kamid ah wafdiga Puntland ee Muqdisho ku sugan  ayaa sheegay Puntland in ay ka go’an tahay raadinta xal doorasho loo dhan yahay.

Wasiir Timacadde wuxuu sheegay in ay dalka ka badbaadinayaan xasilooni darro siyaasadeed, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kusoo laabto miiska wada xaajoodka.

Si kaste ha ahaatee, lama oga goorta shirka dib la isugusoo laabandoono, inkastoo dowladda federalka ay sheegtay  in Puntland iyo Jubbaland aysan diyaar u ahayn in uu dalku aado doorasho.

Beesha caalamka ayaa mar kale hogaamiyayaasha Soomalida ugu baaqay inay danta qaranka ay wax waliba ka hormariyaan islamarkana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay wadaxaajoodyada dib ugu soo laabtaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online