4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
SomBank oo ku guulaystay koobka kubada cagta ee ganacsiyada gobolka Banaadir


Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Bangiga SomBank ayaa hantay koobka kubada cagta ee ganacsiyada gobolka Banaadir, Koobkaan oo eey qeyb ka ahaayeen 32 shirkadood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee ganacsiyada sida Shirkadaha Bangiyada, Xawaaladaha, isgaarsiinta, Hoteelada, iyo qaybaha kale ee ganacsiyada gobolka Banaadir.

SomBank ayaa ku guulaystay koob u soo qaban qaabiyay TV-ga Asal24sports, kadib kulan ka dhacay garoonka gaadiidka ee degmada Shangaani ee wada ciyaareen ciyaarta kama danbeysta ah kooxda Elite Hotel, waxeeyna SomBank guusha ku raacday rigoorayaal 3-2, kadib marki ay bar bar dhac ku dhamaatay waqtigi loogu tala galay ciyaarta 2-2.

SomBank oo mar walba u taagan ka qeyb qaadashada hormarinta arimaha bulshada Soomaaliyeed, ayaa koobkaan uga qeyb qaadatay taageerida iyo hormarinta bahda sports-ka Soomaaliyeed iyo is dhexgalka ganacsiyada kala duwan ee ka jira dalka.

SomBank oo ah Bangi cusub oo islaami ah oo bixiya adeegyo bangi oo casri ah, SomBank waxuu xarumo Ku leeyahay magaaloyinka Mogadishu, Bossaso, Garowe, Galkacyo iyo Galdogob.

Adeega ugu caansan uu bixiyo Bangiga SomBank waa T-Plus Mobile Wallet oo lagala soo dagi karo Google Play store iyo Apple store waxa uu kuu sahlayaa inaad si sahlan ugu dirsato laguuguna soo diro lacagaha dal iyo dibad.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]