4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo faah faahiyay xeerka uu goluhu maanta ansixiyay
 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Guddomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Farax, ayaa sheegay in waxka-badalka lagu sameeyay xeer 14 uu sahlayo in doorashada ururada siyaasada la qabto kaligeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ururada siyaasadu ay noqon doonto mid toos ah oo lagu dooran doono magaca ururka, iyadoo aan lagu salaynayn xubnaha golaha deegaanka ee uu urur walba uu helo.

“Ururka iyo xisbigu waxay galayaan doorasho toosa, oo lagu dooranayo magacooda, barnaamijkooda iyo shakhsiyaadkooda” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Baashe ayaa sheegay in hada kahor la is raacin jiray doorashada ururada iyo ta deegaanka taasi oo lagu qiimayn jiray urur walba inta xubno gole-deegaan ah ee usoo baxday lakiin hada kadib ay kala madax-banaanan doonaan.

“Doorashada uraradii la furayay uunbaa toos laga dhigay, oo waxa laga saaray deegaankii” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

“Waxay ahayd in doorashada golaha deegaanka dib loo dhigo oo ta baarlamaakana hada la qabto, masuur toobayso in layidhaa hadii doorashadii golaha deegaanka hada la qabtay ururada doorashada danbe uun baa lala furi, 5 sano kadib”.

“Waxaynu ka gudubnay dib u dhig danbe, waxaynu isku raacnay in qolo walba wakhtigeeda doorashada la qabto” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Guddomiyaha ayaa sheegay in doorashada ururada siyaasada la qaban doono, lix bilood kahor doorashada madaxweynaha ee qabsoomi doonta 2022.

Xeer 14/2021, ayaa kala madaxbanaynaya doorashooyinka ururada iyo deegaanka oo awal isku xidhnaa.



Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]