4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Qarax khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay

 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay maqaaxi ku taala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu waramayaa in soo galay goob laga shaaheeyo oo maqaaxi halkaasoo ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xiliga uu qaraxa dhacayay uu goobta ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la sheegay in la dhigay goobaha caafimaadka magaalada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]