4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Daahir Maxamuud Geele " Gacanteena waa soo taagan tahay gacan salaanta ayaan la'nahay"
 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, balse aay waayeen cid aay kala hadlaan.

Daahir Geele oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dowladda Fedaraalka aay gacanta ka laabatay wadahadaladii lagu hagaajin lahaa habacsanaanta ka jirta sidii dalku doorasho ku aadi lahaa.

"Dowladda Farmaajo waxay gacanta ka laabatay, ayna diiday wadahadal, waxaan dhowr jeer dalbanay dhankeena wadahadal in lagu dhameeyo khilaafka doorasho, laakiin waxaan waynay cid aan la hadalno" ayuu yiri  Daahir Maxamuud Geele.

Geele ayaa sidoo kale sheegay ineysan suurtagal aheyn in dowladda Soomaaliya aay weerarto dadka ka aragti duwan, taas badal keedana aay muhiim tahay iney keento xalkale.

Geele ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney ka fogaato oo aay joojiso weerarada aay ku hayso siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka uu wax u wado madaxweyne Farmaajo.

"Gacanteena waa aay soo taagan tahay gacan salaanta ayaana la'nahay, dowladda iyadaa gogosha naga laabatay gogosha iney fidisaa laga rabaa oo aay nala hadasho anagane dhankeena waan kasoo dhalaaleynaa" ayuu yiri Daahir Geele.

Hadalka Daahir Maxamuud Geele ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer wadahadalo yeesheen xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble kuwaas oo aanan kasoo bixin natiijo la taaban karo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]