3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Hay'adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo wax laga argagaxo ku tilmaamtay kufsiyadii ka dhacay Soomaaliya
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee human Ritgh Watch ayaa warbixin ay ugudbisay golaha amaanka waxay wax laga argagaxo ku tilmaamtay kororka tacaddiyada kufsiga ee ka socda Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kufsiyo aan kala sooc lahayn loo geystay haweenka, gabadha iyo wiilasha yaryarka ah.

Human Rights watch ayaa ugu baaqday masuuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso leh u ansixiyaan sharciga Dembiyada Jinsiga ee ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu muddo laba sano ka hor.

Hay’adda xuquuqul insaanka, ayaa dhiirrigalisay go’aanka magacaabista dacwad ooge khaas ah oo baaritaan ku sameeya dilalka saxafiyiinta.

“Waa lagama maarmaan in madaxda Soomaalidu ay garwaaqsadaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda dadkooda ay u leeyihiin inay si xor ah u soo bandhigaan aragtidooda, iyo inay ka ilaaliyaan suxufiyiinta xarig sharci darro ah, dhibaateyn, cabsi gelin iyo weeraro jireed, oo ay ku jiraan dil,” ayaa lagu yiri bayaanka Human Rights.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/16/2020 9:55 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 90 askari oo la sheegay iney ka tirsanyihiin hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xertay in muddo ah waddada dajirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

9/16/2020 7:09 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la qaado talaabooyin ku haboon si looga hortago qatarta ka dhalan karta roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan Soomaaliya bartamaha bisha Sebtember, 2020.

9/16/2020 6:22 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Wasaaradda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen eedeyssane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa falkii lagu dilay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax.

9/16/2020 2:57 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Soomaali gaaraysa ilaa Boqol qof oo danbiyokala duwan ka galay dalka Maraykanka & qaar loo diiday in loo aqoonsado inay dalkaas ka helaan dagaanasho ama Qaxootinimo ayaa maalahamaha soo socda lagu

9/16/2020 1:32 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa culeys saaraya si ay u fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka oo lala beegsado dagaalamayasha Al-shabaab ee qaybo ka mid ah bariga Kenya.

9/16/2020 1:11 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika, Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed.