3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
WHO oo Axadii shalay diiwaan galisay 307,930 kiis oo covid19 ah iyo 5,537 dhimasho ah
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shaaciyay inay kordheen kiisaska coronavirus-ka adduunka maalintii Axadda, iyadoo wadarta guud ay korortay 307,930’ 24 saacadood gudahood.

Kororka ugu badan ayaa laga diiwaan galiyay Hindiya, Mareykanka iyo Brazil, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay.

Dhimashada ayaa sidoo kale sare u kacday 5,537.

Hindiya ayaa soo warisay 94,372 kiis oo cusub, waxaa ku xigay Mareykanka oo diiwaan galiyay 45,523 cusub oo caabuqa Covid19 ah halka Brazil uu gaaray 43,718.

Mareykanka iyo Hindiya ayaa midkiiba diiwaan galiyay in ka badan 1,000 qof oo cusub oo dhimasho ah halka Brazil ay soo tabisay 874 qof oo u dhintay cudurka 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Qeybo ka mid ah Hindiya, oksijiinta caafimaadka ayaa adkaata in la helo maaddaama wadarta kiisaska ay ka badan yihiin 4.75 milyan.

UK, waxaa laga dhaqan galiyay sharci dhigaya in lix qof ka badan aanay meel wada fariisan karin sababaha la xiriira faafitaanka cudurka Covid19 oo kusoo labo kacleeyay dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/14/2020 12:17 PM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Guddoonka Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in mudanayaasha Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

9/14/2020 12:07 PM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Dawladda Itoobiya ayaa maanta soo bandhigtay lacago cusub oo dhawaan dalkaasi laga hirgalinayo.

9/14/2020 11:23 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Wiil toban sano jir ah ayaa lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida ay sheegtay hooyada dhashay oo la hadashay talefishinka Dalsan.

9/14/2020 10:44 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa wasakh ku tilmaamay sharciga galmada ee horyaala barlamaanka Soomaaliya.

9/14/2020 8:12 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kasoo hor muuqday nin ku eedeysan in uu la shaqeynayay Al-shabaab, islamarkaana dacwad oogista ay ku sheegeen inuu maleegayay qorshe lagu dhibaateynayay ciidamada dowladda ee ka howl-gala Beled Xaawo.

9/14/2020 6:13 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe.

9/14/2020 4:29 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa hogaamiyaasha kooxda Macawiisleyda kaaso lagu magacabo Xuseen Fiidow oo loo yaqiinay (Xuseen Dhurwaay).

9/14/2020 3:59 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi “Ibraahim Ganey” oo caan ka ahaa gobolka.