4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo si kulul uga hadlay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare.

Xamdi Maxamed Faarax, ayaa la kufsaday kadibna waxaa lagasoo tuuray dabaq lix biyaano ah sida ay sheegeen qoyskeeda iyo laamaha booliiska oo haatan kiiskaas u hayo 4 qof oo lagu tuhmayo.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi'iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.,” ayuu yidhi wasiir goodax.

Wasiir Goodax ayaa sheegay Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay gudaha Soomaaliya.

Wuxuu ka codsaday hay'adaha garsoorka in ay sida ugu dhaqsaha badan ay mudankooda ku marsiiyaan dambiilayaashii falkan foosha xun ku dhaqaaqay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]