3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Shirkii ka furmayay Muqdisho oo baaqday iyo warar sheegaya inuu Sabtida loo madlay
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Waxaa maanta aan ka furmin magaalada Muqdisho shirkii Madaxda maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir  iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu waday in la billaabo ka haddalka marxaladda Soomaaliya,  gaar ahaan xaaladda kala guurka ah iyo sida loo qabanayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale waxaan xalay hir-gelin casho sharaf madaxdaas lagu waday iney wada qaataan.

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay In baaqashada shirka ay ka timid madaxda Jubaland oo marka hore doonaya in xal loo helo arrinta Gobolka Gedo iyo in Jubaland loo madax banneeyo maamulkiisa .

Waxaa lagu wadaa in shirka uu si toos ah u bilowdo Maalinta sabtida ah ee soo socota.

Soomaaliya,  oo dhowaan galeysa doorasho waxaa weli taagan khilaafaad salka ku haya hannaanka loo wajahayo iyo nooca ay doorashadu noqoneyso.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/10/2020 2:02 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan iney hoobiyayaal kusoo dhaceen, welina lamasoo sheegin wax khasaaro ah.

9/10/2020 12:16 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

9/10/2020 9:46 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

9/10/2020 9:41 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan shirka la filayo inuu madaxweynaha maamulkaas uga qeyb-galo Muqdisho.

9/10/2020 4:31 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Hay'adda gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale yarida sii socoto ay caqabad ku tahay wax u qabashada nafaha lagu badbaadiyo ee daadadka ka socda Soomaaliya.

9/10/2020 2:52 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka furmo, iyadoo shalay galab magaalada Muqdisho soo gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

9/10/2020 2:40 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Abaanduulaha cusub ee ciidamada howlgalka midowga Africa ee AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey qeybta 1-aad oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.