4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Jubaland oo sheegtay in arrinta Gobolka Gedo ay muhiim tahay in xal loo helo
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan shirka la filayo inuu madaxweynaha maamulkaas uga qeyb-galo Muqdisho.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu hadal ujeediyay Golaha wasiirrada ee maamulkaas,  wuxuuna sheegay in ajendayaasha Jubaland uu qeyb ka yahay arrimaha Gobolka Gedo.

Dhinaca kale,  kulanka arrimaha wasiirrada ee Jubaland ay ku yeesheen Kismaayo ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo waxyaabo badan oo ay qeyb ka tahay arrimaha siyaasadda.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho uu dhowaan ka furmayo madaxda maamul goboleedyada dalka,  maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]