4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

 

Axad, October, 25, 2020 (HOL)-  Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xubnaha maamulkiisa ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal.

Madaxweyne Waare  ayaa u soo xushay. Cabdinasir Maxamed Guulleed iyo Maxamed Maxamuud Caddo  in ay ka mid noqdaan Guddiga  doorashada heer Federaal,   halka dhinaca kale Liibaan Cismaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan ka mid noqon doonaan Guddiga Xalinta khilaafaadka.

Hirshabeelle ayaa noqoneysa maamulkii ugu danbeeyay ee soo gudbiya xubnaha uga mid noqonaya guddiyada doorashada, iyadoo horay maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland u soo gudbiyeen xubnihii laga sugayay.

Ugu danbeyntii Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa lagu waddaa in uu wareegto ku soo saaro Guddiyada heer Federaal.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]