3/8/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 21, 2020
Duuliye Axmed Dheere oo ay Somaliland abaalmarisay


Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) bilad sharaf loogu abaal gudayo kaalintii uu ka qaatay badbaadinta shacabka reer Hargeysa, mudadii ay colladda u dhexesay SNM iyo xukunkii siyaad Barre.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii ciidanka cirka Soomaaliyeed ee ka howl galayey gobolada waqooyi ee uu dagaal xoogan ka socday. Waxaana amar lagu siiyey in uu soo rusheeyo magaalada Hargeysa.

13kii bishii July ee 1988 ayaa Duuliye Axmed Dheere oo watay dayaaradda dagaalka ee nooceedu ahaa MIG-17 go’aanna ku gaaray in uu dayaaradiisa ku dajiyo xeebta Jabuuti. Ilaaheeyna  waa ka badbaadiyey qatartii uu u galay naftiisa.

Dalka Luxemburg ayaa magan-galyo siyaasadeed  siiyey Axmed Dheere, halkaas uu ku noolaa muddo ka badan 30 sannadood.

Dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyey duuliye Axmed Dheere oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir.

Ciidanka cirka Soomaaliya iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo laga keenay Koofur Afrika ayaa xasuuq ka geystay deegaanada Somaliland gaar ahaa magaalada Hagreysa.

Hiiraan Online Desk













Click here
10/21/2020 5:27 PM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Waasaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka galmudug ayaa caawa ku dhawaaqday liiska saxda ah ee xubnaha golaha degaanka degmada galkacyo kuwaas oo ka kooban 27 xildhibaan.

10/21/2020 8:42 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa si adag waxay uga soo horjeesteen dhismaha maamulka Hirshabelle.

10/21/2020 8:35 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dagaal culus oo u dhexeeya booliska kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Mandheera.

10/21/2020 5:20 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay howlagalo ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameyeen deegaano ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

10/21/2020 3:22 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) -Cabdulqaadir Xaaji Daahir ( Shiikha) oo ka tirsanaa cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha kubadda koleyga iyo naadigii Badda, haatana ah Tabararaha xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga iyo Guddoomiyaha Guddiga cayaartooydii hore (Somali Legends) ee qurbaha oo u istaagay taakulaynta walaalaha isboortiga ee ku nool Dalka gudahiisa, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Mudane Xamza Saciid Xamza isaga oo ugu hambalyaynaya magacaabidda loo magacaabay jagada wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga.

10/21/2020 2:03 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu sida ugu shaqsiyaha badan ugu howlgalayo sidii Somaliland usii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow labo bilood ku xiran Hargeysa.

10/21/2020 1:45 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka China oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor.