4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Wariyaasha magaalada Muqdisho iyo Ururada Warbaahinta oo maanta sameyay banaanbax
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Qaar ka mid ah Wariyaasha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Ururada Warbaahinta ayaa maanta sameyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan xariga wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo maalintii afaarad xabsi ugu jira dowladda Soomaaliya.

Wariyaasha maanta banaanbaxa sameynayay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbaday inuu tixgaliyo codsiga wariyaasha Soomaaliyeed ee ku aadan siideynta wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow.

Ururada u dooda wariyaasha ayaa sheegeen iney sameyeen dadaalo badan oo la xariira sii deynta wariyaha inkastoo aysan wali u suura galin.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayaa ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya u xireen wareysi uu ka qaaday ganacsade Abuukar Cumar Cadaan kaaso wareysiga ku sheegay inuu taageersan yahay fikirka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii wariyaasha iyo ururuda u doodaba waxay madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ka dalbadeen iney tixgaliyaan xoriyada hadalka iyo Saxaafada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]