4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la Kulmay Golaha Wasiiradda Cusub
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Wasiiradda cusub ee Xukuumadda uu soo dhisay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay oo uu sheegay iney tahay Xukuumad tayo leh oo ay si weyn uga soo dhex muuqdeen dhalinyaro firfircoon.

Kulanka  Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Wasiirada cusub ayaa ahaa kulan koodii ugu horeyay waxaana u jeedkiisu ahaa  salaan iyo isbarasho maadama xalay lagu dhawaaqay Xukuumadda.

Farmaajo ayaa sidoo kale u sheegay Xukuumadda cusub in looga fadhiyo dardar galin xoogan oo ku saabsan shaqooyinka adag ee horyaala sida qabashada doorashooyinka dalka "ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo"

Xukuumaddan cusub ee uu xalay ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka kooban 27 Wasiir ayaa lagu wada in codka kalsoonida u qaadan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Xukuumadda cusub ee xalay lagu dhawaaqay ayaa u badan Wasiiraddii Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Kheyre.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]