3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Dowladda Soomaaliya oo saddex maalmood u qabatay ganacsatada Kenya ee sida qarsoodiga ah Qaadka kusoo galiya Muqdisho
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Urur ay ku midaysan yihiin ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay ogeysiis sedex maalmood ah ganacsatada Kenyaanka ah ee sida dhuumaaleysiga ah qaadka uga soo daabula magaalada Mandheera, si loosoo galiyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururkaas Miraa Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya  ay sidoo kale xoojisay amniga xeebaheeda si ay u joojiso qaadka Kenya ee dalka ka soo galaya dhinaca badda.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya tallaabadaan uga golleedahay sidii fursad loo siin lahaa Qaadka Ethiopia oo dhawaan markii ugu horeysay laga dajiyay magaalada Muqdisho, oo horey u ahayd suuq u gaar ah Qaadka Kenya.

Mr Munjuri wuxuu ka codsaday dowlada Kenya inay Soomaaliya la gasho wadahadal diblomaasiyadeed si looga hortago inay lumiyaan waxay ugu yeereen suuqa qiimaha badan ee Soomaaliya.

“Haddii macaamiisha Soomaalida loo oggolaado qaadka Itoobiya, waxaan waayi karnaa suuqa oo idil. In ka badan 50 doonyood ayaa la geeyay badda si ay nooga joojiso isticmaalka badda. Maxay dowladeenu ugu ogolaatay Itoobiya inay naga dheereeyaso? ” ayuu yiri Mr Munjuri oo sheegay inay ka warqabaan in 30 tan oo qaadka Itoobiya ah la geeyay Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/20/2020 2:58 PM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 kasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

10/20/2020 2:24 PM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Qaar ka mid ah Wariyaasha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Ururada Warbaahinta ayaa maanta sameyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan xariga wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo maalintii afaarad xabsi ugu jira dowladda Soomaaliya.

10/20/2020 2:16 PM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Wasiiradda cusub ee Xukuumadda uu soo dhisay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

10/20/2020 12:18 PM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa mamnuucday in degaanadeeda laga furto xarumaha shifooyinka ee dadka lagu saaro qur’aaanka, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay aad ugu soo badanayay guud ahaan Soomaaliya.

10/20/2020 11:25 AM EST
Ururka Arimaha Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka (Somali American Public Affairs Committee) ayaa kulan balaaran ku qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota , kulankaan oo looga hadlaayey sidii loo xoojin lahaa ama laysagu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanaka looga hadli lahaa caqabadaha haysta,

10/20/2020 1:34 AM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Ilwad Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkaan 2020 ku guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la siiyo shaqsiyaadka ugu firfircoon qaaradda Afrika oo ay bixiso hay’adda Jarmal-Afrika Foundation.

10/20/2020 1:32 AM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay dib u dajin u sameyso in ka badan 1,100 oo qaxooti ah oo ay ku jiraan Soomaali horraanta sanadka soo socda taasoo qeyb ka ah heshiis cagajiid ah oo uu madaxweyne Donald Trump la galay Australia, sarkaal ka tirsan Australia ayaa sidaas sheegay Isniintii shalay.

10/20/2020 1:29 AM EST
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.