4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Maamulka gobolka Hiiraan oo fariin adag u diray maamulka dowlad deegaanka Itobiya
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyin ay ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ay ka geystaan gudaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha oo maanta Saxaafadda kula hadlayay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay kusoo xad gudbaan marwaliba deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan taasina aysan aheyn miday indhaha ka qabsan karaan.

Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iney wax ka qabtaan dhibaatada ciidamada Liyuu Booliska ay ku hayaan shacabka reer Hiiraan waxuuna sheegay in maanta oo u dambeysay ay dhibaateeyeen dad shacab ah.

"Madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya waxaan ugu baaqaya oo aan ka codsanaya iney ilaaliyaan darisnimada oo aysan kusoo xadgudbin dadkeena iyo deegaankena oo ay wax ka qabtaan dhibatoyinka ciidamada Liyuu Booliska ay ka sameyaan gudaha gobolka Hiiraan" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Hadalka guddoomiye Cali Jeyte ayaa imaanaya xili Muddooyinkii ugu dambeyay aad usoo wanaagsananayay xiriirka ka dhaxeyay maamulka gobolka Hiiraan iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Shabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]