4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Kulan duco ah oo Dr. Ali Khalif Galaydh loogu sameeyay Columbus Ohio

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa qabtay munaasab loogu duceynayay allaha u naxariistee Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya ahaana Madaxweynihii  Khatima State Dr. Ali Khaliif Galaydh.

Culumada, Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ka soo qeybgalay ayaa duco iyo quran aqris isugu daray, waxayna alle uga rajeeyeen in uu raxmadiisa ku galado.

Waxaa laga sheekeeyay Taariikh xeeldheer oo uu lahaa Dr. Galaydh iyo sidii uu dalka ugu soo shaqeeyay , waxana intabadan masuuliyiintii ka hadlay ay diirada saareen  isku daygiisii ku aadanaa in xal loo helo midnimada Soomaaliyeed kadib markii isaga oo ah Madaxweynaha Khatumo uu la fariistay dhanka Soomaaliland kana wada hadleen sidii xal loo gaari lahaa.

Masuuliyiin ay isla soo shaqeeyeen, kuwo isku xili ay ahaayeen kuwo taariikhdiisa dheegtay iyo dad kale ayaa dhamaan afka ku dhuftay in Dr. Ai Khalif uu ahaa Nin lahaa aragti cad oo ku aadan raadinta Soomaaliya mid ah iyo in laga gudbo kala qoqobnaanta.

Xiliyadiisii Siyaasadda iyo kuwii waxbarashada oo ah sida Hirka badda oo kale ayaa qeyb un laga soo qaatay waxaana ka dhex muuqanaya shaqsiga uu ahaa Dr. Galaydh iyo Hiigsigiisii mudada soo jiray.

Waxaa lagu taliyay in la siiwado Halgankiisii ku aadaanaa Soomaaliya oo markale cageheeda isku taagta iyo raadinta Soomaaliya mid ah.

Culumada ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed cidii wax ka tabanaysa in ay Cafiyaan isla markaana u duceeyaan.

Dr. Ali Khalif Galaydh ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana aas qaran loogu sameeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Deeqo Shire (SONNA)
Minneapolis, MN