4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Turkiga oo tababar cusub u billaabay 450 askari oo kamid noqondoona ciidamada xoogga dalka


Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa tababar cusub u billaabay 450 askari, oo loo tababarayo inay kamid noqdaan ciidamada lugta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Ciidamadan tababarka loo furay ayaa lagu dhaariyay xarunta  tababarka ciidamada ee TurkSom ee kutaala magaalada Muqdisho, waxaana loo tababarayaa La-dagaallanka Argagixisada.

Xafladdii tababarka lagu furayay waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.

Waa dufcadii 6aad oo loo tababarayo ciidanka lugta. Tababarkaan ayaa la filayaa inuu sii socda illaa bisha march ee sanadka 2021, wiuxuuna leeyahay qeybo kala duwan.

Dowladda Turkiga ayaa tababartay saddex meelood meel kamid ah ciidamada militariga Soomaaliya, oo lagu qiyaasay tiradoodu inay tahay 15,000-16,000, askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]