4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo wax laga weydiinayo sababtii kumanaan arday sanadkan imtixaanka ugu dhaceen
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Guddiga xaqiiqo raadinta barlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahai Goodax Barre, agaasimihiisa guud iyo agaasimaha imtixaanaadka.

Qoraal kooban oo loo diray masuuliyiintaan ayaa lagu sheegay in gudidgu wax ka weydiindoono natiijada imtixaankii shahaadiga ee dowladda federalku qaaday sanadkaan, kaasoo dood badan ay ka dhalatay natiijada kasoo baxday ku dhawaaqidiisa.

Wasaarada waxbarashada Soomaaliya  ayaa dhalleecayn xoogan kala kulmeen markii kumanaan oo arday sanadkaan ay ku dhaceen imtixaankii shahaadiga, iyadoo 90% ardayas ka socdeen gobolka Banaadir.

Barlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabayay dareenka ka dhashay arrintan ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadineed oo warbixin kasoo diyaariya sababta keentay in tiro intaas le’eg oo arday ah imtixaanka ku dhacaan.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]