3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo soo dhoweeyay safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Canada
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Canada.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo, Xasan Daahir Dimbil ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyay ee Canada sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay safiir u dirtay dalka Canada sanadkii 2014 xilligaas oo uu Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) uu u magacaabay xilkaas madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dimbil oo ka soo jeeda magaalada Boorama ayaa horey u soo noqday wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Somaliland.

Safiirka cusub ayaa ku sii jiri doona karantiil muddo 14 maalmood ah iyadoo la waafajinayo xeerarka COVID19 ee Canada ka hor inta uusan bilaabin howshiisa.

Wuxuu qadka taleefanka kula hadlay HOL isagoo ku sugan hudheelkiisa wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo dhaweyn diiran kala kulmo jaaliyadda Soomaalida-Canada ee Ottawa.

Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Canada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/18/2020 11:02 AM EST
Axad, October 18, 2020 (HOL) - Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanadda Hirshabelle.

10/18/2020 10:45 AM EST
Axad, October 18, 2020 (HOL) - Guddiga xaqiiqo raadinta barlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahai Goodax Barre, agaasimihiisa guud iyo agaasimaha imtixaanaadka.

10/18/2020 10:35 AM EST
Axad, October 18, 2020 (HOL) - Ciidamada milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Amisom ayaa dagaal saacado badan qaatay kula galay Al-shabaab degaano hoos yimaada degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

10/18/2020 8:17 AM EST
Axad, October 18, 2020 (HOL) - Waxaa maanta hakad ku jira shaqooyinkii garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii ay dhex fariisteen biyo ka dhashay roobab lagu diirsaday oo ka da'ay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne.

10/18/2020 2:41 AM EST
Axad, October 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta dib ugusoo laabnaya magaalada Garowe, ayaa loo xiray waddooyinka Garowe, iyadoo lagusoo daadiyay ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka.