3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2020
Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaaloyinka Buula Burte iyo Jalalaqsi
 

Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar  dhaba gal ah oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagu sameyay kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya xili ay marayeen nawaaxiga deegaanka Buurweyn oo u dhaxeysa magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay qarax la beeg sadeen kolanyo ciidamo ka tirsan militiriga Soomaaliya qeybta 27-aad oo kasoo baxay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Warar kusoo dhacay warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya halka tira kale oo ku dhaawacantayna la geeyay degmada Buula burte.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaabkii weerarka kusoo qaaday ayna iska difaaceen.

Ciidamadan wadada loo galay maanta ayaa la sheegay iney u jeedkoodu ahaa xaqiijinta howlgalo ay ku sugayaan amaanka wadada xariirisa magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa inta badan la beegsada ciidamada dowladda weeraro gaadmo  ah iyo kuwa fool ka fool ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/16/2020 6:54 PM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shaaciyay in ay dowladda Soomaaliya cafis u fidisay ciiddanka iyo saraakiisha uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ee gudaha u galay Kenya.

10/16/2020 6:50 AM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaya dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay taageerada milatari ee uu Maraykanku siiyo dowladdiisa, taasoo uu sheegay inay ka caawinayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

10/16/2020 5:14 AM EST
Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyay dareenka uu ka qabo sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka maamulka Hirshabelle.